Tuesday, 06 July 2010 09:11



Madaxwayne Shariif oo ka hadlaya Shirkaas ayaa Yiri, waxaan ka codsanaya Caalamka in la bad baadiyo Dowlada Soomaliya, Xaalada Soomaliya waa mid Khatar ku sugan oo Ganacta u gashay Ururka Alqacida.

Gabagabadii Kulankaas ayaa wax Dib mar kale u galay Shir Albaabadu u Xiran Yihiin Hogaamiyayaasha Ethiopia, Kenya, Uganda, Sudan, Djibouti Iyo Somalia Midaas oo Go,aan lagu Gaaray in 2000 oo Ciidan Deg Deg la geeyo, lana Qoro Ciidamo Soomali ah.

Afyare Cilmi oo ah ka ah Macalin Jaamacdeed Dalka Qadar ayaa saaka Isagu Idaacada VOA u sheegay in IGAD aysan waxba ka badali karin xaalada cakiran ee Dalka Soomaliya ka jirta, Dhanka kale wuxuu IGAD ku eedeyay inay tahay Urur Danaha Itoobiya ay ka leedahay Soomaliya lagu Fuliyo.

Hadalka Mr Afyare Cilmi ayaa ah mid Dhab ah marka la eego Afkaarta Soomalida ay ka aaminsan tahay IGAD.

Wadar ahaan Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaliya ayaa gaaraya marka lagu Daro 20,00 ee Dheeriga ah 8, 000 oo Ciidan ah Kuwaas ku Jooga Magac Afrika.

 


 

 

Last Updated on Tuesday, 06 July 2010 13:09
 

 
 

Contact Us:  galaalxoor@yahoo.com

We have 2 guests online
Banner
Design by guenstigo.de & vista forum